Posts

Showing posts from September, 2017

Adeegsiga dacaayada (Propaganda): Sida dumarka loogu muujiyay in sigaar cabistu ay tahay astaan xornimo

Image
    Qeybtii Kowaaad      Hordhac        Edward Bernays waa odayga iyo  macalinka loogu abtiriyo dacaayadda aduunka ama waxa looyaqaano ( propaganda ). Wuxuu ka mid yahay 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa qarnigii 20-aad. Wuxuu qoray buugaag badan oo ay ka mid yihiin “ Propaganda, 1928 “ iyo “ Crystallizing public opinion, 1923 ”. Wuxuu ka dhashay qoys asalkoodu yahuud ah oo Mareynkanka u soo guuray 1892 wuxuuna ka qalin jabiyay jaamacadda Cornel university 1912 isagoo bartay culuunta beeraha, hasayeeshee shaqadiisa waxey isu badashay adeegsiga iyo ka shaqeynta iclaanka (journalism)  si uu shirkadaha iyo dowladaha dacaayado ugu sameeyo. -     Magaca “ Propaganda ” Waxaa casrigaan loo yaqaana “ Public Relation ” Maadaama erayga “ Propoganda ” lala xiriiriyo dagaallada, beenta, marinhabaabinta, Edward Bernays wuxuu ku badashay magaca “ Public Relation ” Waxaana markuu dhintay loogu magac daray “ Farthe...