Adeegsiga dacaayada (Propaganda): Sida dumarka loogu muujiyay in sigaar cabistu ay tahay astaan xornimo

    Qeybtii Kowaaad

     Hordhac

      Edward Bernays waa odayga iyo  macalinka loogu abtiriyo dacaayadda aduunka ama waxa looyaqaano (propaganda). Wuxuu ka mid yahay 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa qarnigii 20-aad. Wuxuu qoray buugaag badan oo ay ka mid yihiin “Propaganda, 1928 “ iyo “Crystallizing public opinion, 1923”. Wuxuu ka dhashay qoys asalkoodu yahuud ah oo Mareynkanka u soo guuray 1892 wuxuuna ka qalin jabiyay jaamacadda Cornel university 1912 isagoo bartay culuunta beeraha, hasayeeshee shaqadiisa waxey isu badashay adeegsiga iyo ka shaqeynta iclaanka (journalism)  si uu shirkadaha iyo dowladaha dacaayado ugu sameeyo.

-   Magaca “Propaganda” Waxaa casrigaan loo yaqaana “Public Relation” Maadaama erayga “Propoganda” lala xiriiriyo dagaallada, beenta, marinhabaabinta, Edward Bernays wuxuu ku badashay magaca “Public Relation” Waxaana markuu dhintay loogu magac daray “ Farther of public relation” halkii la oran lahaa “father of propaganda” ama aabaha dacaayada.

-     Edward Bernays wuxuu aaminsanaa in dadka ay doqomo yihiin (stupid). Wuxuu yiri “dadka maahan dad si sax ah u fakara (rational) waa dad caadifi ah (Emotional) oo jecel in ay caadifadoodu si dagdag ah uga qancaan. Wuxuu intaas sii raaciyay hadii aad fahanto dadka caadifadooda waxaa heshay furahooda, waxaana kuu fududaanaya inaad maamusho, waayo maalintaad doonto ayaad kicin kartaa.

-       Caadifaadka waxaa ka mid ah, jaceylka, naceebka, cabsida, geesinimada iyo wixi la mid ah. Tusaale Ilmaha marka ay somalida canaananayaan waa la cabsi galiyaa taasi waxey ka dhigan tahay in aad ka faa'ideysaneyso dareenka cabsida ee Ilaah insaanka ku abuuray?


-    Edward Bernays, Wuxuu leeyahay kiisas caan ah oo taariikhda galay uu ku badalay fikirka dadweynahay (public Opinion). Waxaa kamid ka mid ah kiiska loogu magaca daray Torches of Freedom. Tooshka xurnimada.



-      Dhammaadkii 1920, Mareykanka in ay dumarka sigaarka si bareer iyo si qarsoodiba u cabaan waxey ahaan jirtay arin bulshada dhexdeedu ceeb ku ah, maxaa yeelay dalka Mareykanka sigaar cabistu waxaa  loo aqoonsanaa kaliya  wax ragga uun ku kooban. Marka arintaas waxey caqabad ku naqatay mid ka mid ah shirkadaha sigaarka ka ganacsada (American tobacco company). Waxaa hoos usii dhacayay iibkad sigaarka. Marka si loo kordhiyo iibka sigaarka waxey go’aansadeen iney bartilmaameyd ka dhigtaan malaayiinta dumar ee badankoodu sigaarka aan cabin marka laga reebo inyar oo sigaarka la gaban jirtay. Marka si dumarka loo bartilmaameyd sado, waxaa marka hore loo baahday in la badallo afkaarta dadweynaha  ay qabaan sigaar cabista dumarka.


  Sidaas  darteeda, waxaa loo yeeray qabiir  Edward Bernays oo loo kireystay inuu keeno hab lagu badali karo afkaarta dadweynahay ay ka qabaan sigaar cabista dumarka. Baaritaan dheer kadin Edward Bernays iyo kooxdiisa, waxey la yimaadeen olole ay ugu magac dareen Torches of freedom- tooshkii xornimada. Wuxuu soo kireeyay koox dumar ah waxeyna 1929-kii socdaal ku soo mareen magaalada Newyork iyagoo sigaarka u shidan yahay si ay u muujiyaan in sigaar cabistu ay xornimo tahay, lana cabi karo goorwalba.  Ololahaasi  waxaa barbar socday oo loo soo kireeyay, goobjoogna ka ahaa saxaafadda Mareykanka si ay u tabiyaan una buunbuuniyaa ololaha “Tooshka xornimada”


-  Ugu dambeyn, ololahaasna wuxuu noqday lolole taariikhda galay islamarkaana guuleystay. Maalintaas kadib illaa maanta Mareykanka iyo aduunkuba in ay dumarka sigaarka cabaan waxaa loo aqoonsan yahay  astaan xornimo doon ah, waana mirihii aabaha dacaayadda Edward Bernays.


Comments

Popular posts from this blog

10 Sababood Oo lagu doortay Xaafadda Cusub Ee Daarusalaam ee magaalada muqdisho

Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada