Posts

Showing posts from June, 2019

Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

Image
Shiinu wuxuu leeyahay in ka badan 3000 oo doomaha kalluumeysiga oo ukala goosha badaha caalamka, ha ugu badnaadeen Afirca iyo laatiin Ameerica. Galbeedka Africa Kaliya waxaa ka hawlgala in kabadan 400  doomood oo laga leeyahay dalka shiinaha, waana goobta ugu badan ee doomo  intaas la eg ay u jillaab tagaan. Sidoo kale wuxuu sanadwalba shiinaha galbeedka Africa ka soo saaraa kalluun lagu qiimeeyay lacagtiis $340 million. Boqolkiiba todobaatan (70%) maraakiibta shiinaha waxey ka kalluumeystaan dalalka Mauritania, Gunie iyo wadama kale oo galbeedka Africa ka mid ah. Tobaneeya sanno oo kalluumeysi xad-dhaaf ah ka socday badaha galbeedka Africa ( overfishing ) waxey sabatay in boqolkiiba konton (50%) si xad-dhaaf ah loola baxay qayraadka kalluunka galbeedka Africa. Badaha galbeedka Africa waxey ka mid yihiin badaha ugu hodansan dunida. Inta u dhaxeysay 2001-2013, hayada Greenpeace waxay diiwaangalisay 186 kiis oo sharci daro ah oo ay sameeyeen markiib...