Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

Shiinu wuxuu leeyahay in ka badan 3000 oo doomaha kalluumeysiga oo ukala goosha badaha caalamka, ha ugu badnaadeen Afirca iyo laatiin Ameerica. Galbeedka Africa Kaliya waxaa ka hawlgala in kabadan 400  doomood oo laga leeyahay dalka shiinaha, waana goobta ugu badan ee doomo  intaas la eg ay u jillaab tagaan. Sidoo kale wuxuu sanadwalba shiinaha galbeedka Africa ka soo saaraa kalluun lagu qiimeeyay lacagtiis $340 million. Boqolkiiba todobaatan (70%) maraakiibta shiinaha waxey ka kalluumeystaan dalalka Mauritania, Gunie iyo wadama kale oo galbeedka Africa ka mid ah. Tobaneeya sanno oo kalluumeysi xad-dhaaf ah ka socday badaha galbeedka Africa (overfishing) waxey sabatay in boqolkiiba konton (50%) si xad-dhaaf ah loola baxay qayraadka kalluunka galbeedka Africa. Badaha galbeedka Africa waxey ka mid yihiin badaha ugu hodansan dunida.

Inta u dhaxeysay 2001-2013, hayada Greenpeace waxay diiwaangalisay 186 kiis oo sharci daro ah oo ay sameeyeen markiibta kalluumeysiga shiinaha ee ka hawlgala galbeedka Africa.


Farsamooyinka kalluumeysiga Shiinaha

Shiinuhu wuxuu isticmaalaa farsamooyin jillaabasho qatar ku ah deegaanka iyo noolaha badda. Doomaha qaar waxey isticmaalaan shabaag-kallumeysi dhererkiisa gaarayayo 9KM (Sagaal kilo mitir).  Aaladahaas Waxey awood u leeyihiin in gunta ugu hooseysa ee badda ka soo xaalufiyaan kalluunka, iyagoon u aaba yeelin noockasta oo noolaha badda ku jira.  

 Dowlada shiinaha  waxey bixisaaa lacag kaalmo ah ay oo lagu saacido doomaha ka kallumeysta ee u jillaab taga badaha fogfog ee caalamka.


Shiinu wuxuu horay kalluunka ugu soo xaalufiyay baddiisa wuxuuna wuxuuna sidoo kale xaalufin karaa badda soomaaliya sida ay haddaba xaaluf ugu dhowdahay badahagalbeedka Africa


Saameeynta ay yeelan karaan maraakiibta kallumeysiga

Maraakiibta kalluumeysiga ee shisheeyaha waxey saameyn ku yeeshaan  bulshada kalluumeystada muwaadiniinta ah  ee nolol maalmeedkoodu ku xiran yahay badda. Saamenynta ay yeelan karaan waxaa ka mid ah:

1.    Helintaanka kalluunka oo adkaada, taas oo keeni karta in kalluumeysatada ay jaraan masaafo aad u dheer soona laabtaan kalluun la’aan
2.    Sicirka kalluunka gudaha soomaliye oo isbadal ku imaan kara, taas oo niyad jab ku keeni karto kallumeysatada dalka.  
3.    Doomaha kalluumeysiga ee shisheeyahay waxay mushahar aad u heesaayo ku shaqaalaysiin doonaan kalluumeysatada dalka si ay noogu qaldaan barnaamij shaqo abuur
4.    Ugu dambayn waxaa niyad jab ku imaan doono kalluumeystada gudaha somaaliya, taasoo ugu dambeyn keeni doonta in uu burburo waxsoosaarka kalluunka dalka
5.    Waxaa suurtagal ah kalluumeysata soomaaliyeed in ay burcad badeed isu badalaan

 Sidee loo kormeeri karaa Maraakiibta kalluumeysiga?

Dowlada soomaaliya ma awooddaa nidaam ay ku koontarooli karto, lana socon karto dhaqdhaqaaqa maraaakiibta kalluumeysiga shiinaha? Dowladu sidee ku ogaankartaa noocyada kallunka lagu heshiiyay nooc aan ahayan hadii lala baxo? Waxaa jira noocyo kalluunka ka mid ah oo sii dabar go’aya,  sidee looga hortagayaa arinkaas?  
Somaliya muddo labaatan sano ayaa si sharci darro ah looga kalluumeysan jiray, hadii si sharci ah looga kalluumeysanayo waa arin aad u fiican, laakin shircigaas wuxuu u baahan yahay nidaam lagu koontaroolo, waxaan jiro hayado caalami ah oo sameeya kormeerka badaha, waxeyna aqoon, khibrad iyo farsamo  uleeyihiin kor-joogteynta maraakiibta kalluumeysiga si loo helo hab kalluumeysi caafimaad qaba kuna dhisan daahfurnaan.

Xalka muxuu noqon karaa?

Fursadda kaliya ee la haysto maahan in shirkaddo iyo dowlado shisheeya shattiga kalluunka laga kireeyo, balse dowladda soomaaliya waxa ay sameysan kartaa warshad kalluun ah ay dad badan oo soomaali shaqo ugu abuuri karto? Haddii aysan dowlada soomaaliya dhaqaala ahaan awoodin arinkaas, waxaa loo bandhigi karaa ganacsato soomaali ah oo maalgashan karto  warshad kalluun, oo dad badan oo soomaali ahna shaqa abuur u noqon kara.

Gunnaanad


Shiinuhu sanad walba wuxuu badda soomaliya kala baxayaa kalluun qiimahiisu gaaraya boqolaal  malyan, waana wax aanan u dhigmin lacagta shattiga kalluumeysiga uu sanad walbo bixinaayo.

Somaaliya waxey u baahan tahay hab kalluumeysi ku dhisan daah furnaan oo aan wax isbadal ku keenin caafimaadka deegaan iyo noolaha badda. 

Omar Jacfar Salah

Comments

Popular posts from this blog

10 Sababood Oo lagu doortay Xaafadda Cusub Ee Daarusalaam ee magaalada muqdisho

3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada