3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada

Markaad ganacsi furato ama aad shirkad aas-aasto, waxaad u baahan tahay garab iyo qof ku saacida. Halka ugu horeeya ee aad garab ka doonto waa qaraabada iyo saaxibaada. Inkasto oo ay wanaagsan tahay inaad shaqaaleysiiso dadka xigaal-kaaga ah hadana waxaa jira caqabado badan oo lagala kulmo shaqaaleysiinta qaraabada. 1. Ma xiriir shaqsi ama shaqo? Marka aad shaqaaleyso qof qaraabo ah, xiriirka idinka ka dhaxeeyo ma mid shaqo baa mise waa mid shaqsi (Qaraabonimo)? Inta badan waxaa dhacda markaad shaqaaleyso qof ahalka ah inuusan iskuba arag qof shaqaale taas oo dhibaato ku ah muqtaqbalka ganacsigaaga. Tusaale hadii ay dhacdo qalad la xiriira dhanka shaqada oo aad rabto inaad saxdo arinkaas, waxaa suurtagal ah in loo qaato arin shaqsi (qaraabanimo iyo tolnimo isla markaana lagu xaliyo caadifad soke oo saameyn ku leh qaraabanimada. Taas caksigeeda waxey aheyd in mushkilada loo fahmo arin shaqo meeshana laga saaro caadifadda soke. Waxaa sidoo kale la mid ah hadii aad ...