3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada
Markaad ganacsi furato ama aad shirkad
aas-aasto, waxaad u baahan tahay garab iyo qof ku saacida. Halka ugu horeeya ee
aad garab ka doonto waa qaraabada iyo saaxibaada. Inkasto oo ay wanaagsan tahay
inaad shaqaaleysiiso dadka xigaal-kaaga ah hadana waxaa jira caqabado badan oo
lagala kulmo shaqaaleysiinta qaraabada.
1. Ma xiriir shaqsi ama
shaqo?
Marka aad shaqaaleyso qof qaraabo ah, xiriirka idinka ka dhaxeeyo
ma mid shaqo baa mise waa mid shaqsi (Qaraabonimo)? Inta badan waxaa dhacda
markaad shaqaaleyso qof ahalka ah inuusan iskuba arag qof shaqaale taas oo
dhibaato ku ah muqtaqbalka ganacsigaaga.
Tusaale hadii ay dhacdo qalad la xiriira dhanka shaqada oo aad
rabto inaad saxdo arinkaas, waxaa suurtagal ah in loo qaato arin shaqsi
(qaraabanimo iyo tolnimo isla markaana lagu xaliyo caadifad soke oo saameyn ku
leh qaraabanimada. Taas caksigeeda waxey aheyd in mushkilada loo fahmo arin
shaqo meeshana laga saaro caadifadda soke.
Waxaa sidoo kale la mid ah hadii aad eryiddo qofki aad qaraabada
aheydeen in arinkaas ay soo farageliyaan tolka iyo qaarabada.
2. Sir Beylahan
Caqbadda kale oo ay leedahay shaqaaleysiinta qaraabada waxaa ka
mid ah in sirtaada ganacsiga laga yaabo in ay si lama filaan ku dhexfido ahalka
iyo qaraabada. Taasina waxey keeni kartaa markaa aad ka qeeybgasho
munaasabadaha qaraabada dhexdooda in aad maqasho xan ku saabsan ganacsigaaga oo
marki hore aad moodi jirtay in ay kuu xifdisan tahay. Waana sababaha keenta in
dad badan ay aaminsan yihiin hadii ay shaqaaleysiiyaan qof ka mid ah
qaraaba in sirtooda ay dibadda u so bixi karin.
3. Guuxa shaqaalaha shishe
Dhammaan shaqaalahaaga wey garanayaan qofka qaraabada aad tihiin
ee ganacsigaaga ka dhaqeeya. Mashaakilka wuxuu imaanaya marka ina-adeerka
uu shaqa wanaagsan qabto kadibna aad aabaalmariso. Inkastoo arinkaasi
aysan xumeyn, hadana marwalba waxaa jira guuxa shaqaalaha shishe oo ku
saabsan in abaalmarintaas aysan ku saleysneyn waxqabad balse ay tahay eex iyo
sokenimo.
Dabcan waxaa wanaagsan in aad dhisto bii’ad shaqo oo wax walba aan
qarsooneyn, shaqaalahana ay ogyihiin in abaalmarinta iyo guusha tahay
waxqabad iyo dadaal balse aysan aheyn waxa ku saleysan eex iyo
qaraabanimo.
Comments
Post a Comment