5 Caqabadood oo heysta Ganacsiga soomaalia

Soomaliya waxaa joogo dad aad utira badan oo heysta lacago islamrkaana aanan garaneyn sida lacagahaasiloogu maalgashado mashruuc ganacsi. Iyadoo ay taa jirto ayaa haddana dhinaca kale waxaad arkaysaa tiro kale oo dad ah kana badan kuwii hore oo aanan hayn maal, balse aragtiyo ganacsi oo maan-gal ah ay maskaxdoodu ka dhex guuxayso. 

Runtii, aad bay uqurux badnaan laheeed, una muujin laheed qaangaarnimada ganacsigga Soomaalida haday dhici kari laheed  midnimada iyo is waafaqqa labadaani kooxood, nasiibdarradase waxay tahay in ay is qaban kari waayeen sababo badan awgood.

Dadka heesta lacagaha ee hantileyda ah waxay noqdeen kuwo lacagahoodii iska dhigtay xawaalado ama Bankiyo oo aanan u hayn qorshe ganacsi, islamarkaana  aanan dhagaysaneen kuwa kale ee haaya aragtiyada ganacsi, halka kuwa kale ee haaya fikradaha iyo qorshooyinka ganacsina ee maaleyda ah quus iyo jeeb-marnaan la fadhiyaan darbiyada

Hadaba dhibaha heesata ganacsigga Soomaalida waxaa ka mid ah:

Halabuurdarro

Ganansiga soomaalida kuma dhisno hal-abuur balse taaa badalkeeda wuxuu ku dhisan yahay isku-dayasho iyo masayr-ganacsi. Waxaad arkeysaa in dhamaan dadku ay wada iibinayaan hal nooc oo badeecad ah oo haddana isku mid ah.

Xisaabtan la’aan

Caqabadaha heesta ganacsigga Soomaalida waxaa ka mid ah Xisaab-darro. Ganacsadeha ma qiimeeyo mana isku dheeli-tirro lacagta uu  maal-gashanayo iyo sheyga uu ku maalgelinaayo.Waxaa dhacaysa in lacag aad u fara badan lagu maalgalinayo mashruuc uusan caddayn miro-dhalkiisii misna lahubin in ay lacagtaasi ka soo laabaneyso iyo inkale.

Tusaale: Ganacsade baa dabaq dheer ka dhisanaya xaafad dhismo ahaan iyo deegaan ahaanba aanan munaasab ahayn islamarkaana wuxuu doonayaa inuu ka dhigo dhismahaasi Hotel 5 xiddigle ah.

Gaanacsadeha iskuma miisaamo is-waafaqqa lacagta uu haysto iyo mashruuca uu rabo inuu ku maal-gashado. Tusaale: Waxaad arkeysaa nin bilaaabay dhismo dabaq ah oo ku yaalo meel istiraatiji ah laakin Nasiibdarro dhismihii uu  weli qabyo ka yahay muddo afarsano. sababtoo ah wax lacag uu ku dhameystiro ma heysto. Shilinki yaraana wuu ka dhamaaday  wixi uu bilaabayna uma dhameystirna.  Tusaale kale waxaa ah, nin baa dukaan ku kireysanya 500 ilaa 1000 dollar bishii, isla markaasna halsano ayaa laga hormararsanayaa. Hadab sheyga uu ku iibinaayo maahan badeeco daruuri ah oo maalin kasto la iibsado ama shey suq fiican heesta, Taasna waxey sababaysaa in uu suuqa ka baxo sanad kadib.

Sicir qaali

Samir-yarida iyo degdegga waa waxyaabaha astaanta unoqon kara ganacsigga Soomaalida. Qofku markuu ganacsiga bilaabo wuxuu islamarkiiba ku fekeraa iskuna hawlaa sida uu faa’iido badan uheli lahaay una noqon lahaa hantiile. Si hufan uma xisaabiyo qarashka uu  sheygani ku soo iibsaday iyo qiimaha suuragalka ah ee ugu haboon oo uu shaygani sii iibin karo. Ma ku xisaabtamo ismana xasuusiyo inuu yahay ganacsade cusub oo ku soo biiray suuqa, una baahan sida uu ukasban lahaa macaamiil , waayo waxaynu ognahay in qiimo-jabnaantu tahay waxa abuura soona jiita macaamiisha. 

Tusaale: Maalin ayaan isa soo raacnay aniga iyo wiil aan saaxiibo nahay, Waxaynu soo galnay hotel ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho. Waxaan dalbanay shaah,  kadib shaah cabistaynii waxaa naloo keenay biil afar Doolar ah ($4). Waxay inagu noqtay yaab. Sababtoo ah, Hoteelada kale ee lamidka ah Hotelkani amaba ka sareeya qiimaha ugu badan oo ay iibiyaan shaahaan oo kale waa 1 ama 2 Dollar.
Marka waxaan is weydiinay sida loo jaangooyay qiimahani. Sidoo kale hadii aad agmarto ganacsatada yaryar oo jidadka taagan oo aad damacdo inaad wax ka iibsato qiimaha uu kaaga bilaabayo maahan wax laga gorgortami karo.  Badanaa waxyaabaha ay ganassiyada cusub suuqa ugu baxaan waxaa ka mid ah iyagooo marka hore ku soo gala suuqa sicir qaali ah.

Aqoondarro iyo madax-adeeg

Aqoonta iyo dhego-nugaylku waa waxyaabaha horumariya, bila, adkeeyana ganacsigga. Qofka mehredlaha ah ee suuqa ku jira waa qof inta badan ubaahan kana maarmin talada iyo aragtiyoda dadka kale, Waa qof ubaahan inuu ogaado sida ay ganacsigiisa uarkaan macaamiishiisa iyo sida ay ugu qanacsan yihiin ama ay udhaliilayaan. Ganacsaduhu waa qof ubaahan inuu kala yaqaano xilliga la macaasho, iyo xiligga la ilaaliyo jiritaanka ganacsiga ama lafaha badeecada. Balse markii aad ufiirsato Soomaalidu waxaad moodaa in taas rogaalkeedu ku shaqeyaan.

Hadii aad talo-ganacsi oo bilaasha ah oo walaalnimo u sheegto ganacsadaha waxaaba laga yaaba inuu ku aflagaadeeyo, ama kula diriro, ama ugu yaraanba uusan kuu jawaabin. Maalin ayaan waxaan uimaaday nin kamid ah ganacsatada miisleyda ah ee wadada hareeraheeda wax ku iibiya. wuxuu iibinayay isbaandhees.- oo ah mid kamid ah miraha dalkeena ka baxo kiisa loogu jecel yahay. Miisku aad buu ucamirnaa, waxaana ka buuxay isbaandhays aad ubisayl-dhaafay. Anigoo isuku dayaayo in aan talo siiyo ayaan weydiiyay qiimaha isbaandhayska xabbadkii. wuxuu ii sheegay lacag 3000 SH.SO (  0.15 Dollar ) xabbadkii. Marka aad bar-bardhigto qiimaha jumlada ee uu ku soo iibsadayna wuxuu xabbadkii ugu  fadhiyaa wax ka yar 1000 SH.SO ( wax ka yar 0.05 Dollar ),  Runtii waan la yaabay sababtoo ah waxaan arkay in isbaandheeska uu bisayl-dhaafay, uuna doorsoomi rabo,  cimrigiisuna ay kaliya qiyaastii ka harsan tahay 2 ama 3 maalin. Anigoo raba in aan bal la taliyo ayaan waxaan ku iri “ Maad qiimaha iska yara jebisid macnaha hoos-udhigtid si dadka ay uwada gataan, isagana uusan u doorsoomin.Wuxuu si adag iigu yiri “ Qiimaha waa qiimahaan, haddayse bololaan waa la daadin ee adiga shaqadaada qabso” Hadduu iga tala-qaadan lahaa malaha waxaan isku dhahay, ugu yaraan lafahiisii wuu heli lahaay haddusan faa’idin, lakin nasiib-darro ima fahmin.

Tusaalooyinka badan ee la arakayo waxaa ka mid ah: Qof baa leh dukaan alaabo badn lagu iibiyo. Waxaa dukaanka mar walba ku dhex arkaysaa alaabo tira badan oo qaarkood lix bilood iyo ka badan ama sanad ay dhex yaalaan, kaaga sii daranee qaarkood waa ayba dhici rabaan. Maalin maalmaha kamid ah anigoo dhex jooga dukaanada noocaas ah mid kamid ah ayaa qof macaamiil haween ah dukaanka soo gashay. Waxey rabtay inay iibsato Gasac caano boore ah. Markii loo soo qabtay caanihii ay rabtay waxay bilowday in ay iska fiiriso taariikhdiisa si aysan u iibsan wax dhacay amaba dhici raba. Waxay ogaatay in xilligga uu caanahani dhici lahaa ay kaliya ka harsan tahay muddo 3 billood ah. Intaa kadib waxey dukaanlihii usheegtay in taariikhda caanaha ay wax yar ka harsan tahay sidaa darteedna ay ka codsanayso in uu qiimaha ka dhimo, balse aw dukaanluhu warkaas waa uu diiday, wuxuuna fahmi waayay nuu caanahaas ugu yaraan lafaheeda sii iibiyo ama macaash yar ka raadiyo si uusan ukhasaarin.

Soojiidasho iyo Dulqaa la’aan

Weji-furnaanta, dhoola-caddaynta iyo udul-qaadashada maacaamiilka gorgorada iyo damaca badan waa asbaabaha abuura, kordhiya islamarkaana xejiya macaamiisha Inta badan mehredleyda soomalida markaad u soo gasho adigoo doonayo inaad badeecad ka iibsato lagama yaabo inaad kala kulanto weji furan, soo dhaweyn iyo qancin.  Maalin baa nin dukaan soo galay markaas buu ku daahay dukaanka dhexdiisa . Marba inta uu shey soo qabto ayuu dukaanlaha qiimahiisa weydiiyaa. Dukaanlihii intuu xanaaqay ayuu ninka ku yiri  “ Adeer wax iibso ama dukaanka iikaga bax”.Runtii kama mid ahan dhaqamada guud ee mehredlaydu xanaaq, aamusnaan, iyo dulqaad-darroSidaas awgeeda, qofka mehradlaha waxaa looga baahan yahay samir badan iyo inuu qofka macaamilka fursad siiyo una dulqaato. Waxaa la rabaa in qofka mehredlaha ahi u shaqesyto sida dadka ilbaxa ah.


Comments

  1. Maalinta wanaagsan waan ahay

    (Mr Davidson Williams) ka Maraykanka, waxaan ku noolaa Alabama, oo waxaan haystaa ganacsi ka jabay, ilaa aan helay guutadan e-mail in igu caawisaa si ay u helaan amaah ah ganacsi ,, oo hadda waxaan doonayaa in aan u isticmaali this dhexdhexaad gaaban oo hambalyo kor ku xusan shirkad lacag degdeg ah oo nabdoon ay wax amaahisaan ii la'aan nooc kasta oo ammaanka, ayaan amaahan 500.000,0000USD shirkadda si loo badbaadiyo aan ganacsiga iyo si ka badan, waxaan arkay rikoorka internetka, qof kasta oo had iyo jeer ku siinaysaa maragga waxay camal faleen, sidaa darteed waxaan si deg deg ah iyaga la xiriirtay iyo wax kasta oo ay ii sameeyey aawadood aan stress iyo lacag soo diray aniga igu xisaab 24 saacadood ka dib, waxaan la yaabay oo ay dareemaan farxad, hadda haatan waxaan u leeyihiin xakamaysada caadiga ah kan i caawisaa, hadda waxaan doonayaa inaan taliye kuwa u baahan tahay amaah deg-deg ah in ay iyada soo xiriir alexbobbyloan01@gmail.com ........ isagu waa nin ilaah aad, iyo waxaan ogahay in uu aad u caawin doonaa isku mid. Halkaas ayuu ku deynayaa ereyada dhiirigelinaya. Amaahda amaahda Ma waxaad dhaqaale ahaan hoos u dhigeysaa oo aad u baahan tahay amaahda? Ma u baahan tahay amaahatay inaad bixiso dhibcaha iyo deymaha? Ma u baahan tahay maalgalin si aad u sameyso ganacsigaaga? Ma u baahan tahay amaah aad ku qaadato mashaariic waaweyn? Ma u baahan tahay amaahda kuleejka? Ma u baahan tahay maalgelin hawlaha kala duwan? email ... alexbobbyloan01@gmail.com .................

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

10 Sababood Oo lagu doortay Xaafadda Cusub Ee Daarusalaam ee magaalada muqdisho

Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada