10 Sababood Oo lagu doortay Xaafadda Cusub Ee Daarusalaam ee magaalada muqdisho


Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhisidda guryo iyo xaafado casri ah ka kooban dabaqyo iyo villooyin oo aad u qurux badan. Dhismooyinkaas waxey leeyihiin dhamaan adeegyada kala duwan sida goobaha waxbarashada, caafimaadka, wado laami ah, isgaarsiinta, biyaha, & jardiinooyinka lagu nasto iwm. Hadaba halkan kaga bogo 10 sabab oo aad  xaafada daaru-salaam ee magaalada Mudqisho

1) Laami 


Xaafadda cusub ee daarusalaam wax dhanka waqooyi ka xigaa   garoonka kubadda cagta ee  muqdishu (Stadium Mogadishu) ee jidka warshadaha. Laamiga cusub ee xaafadda daarusalaam wuxuu dhereran yahay 7km

2) Masjid


Xaafadda Daarusalaam waxaa loo dhisay  masjid jaamic ah oo 3 dabaq  ka kooban. Masjidku wuxuu leeyahay dhul aad u weyn oo lagu baakimo gawaarida.  Waxaa intaas u dheer qeyb loogu talagay dumarka. Masjidka Daarusalaam waa masjid waasic ah laguna tukan karo xilliyada musanaabadaha sida ciida iyo salaada jimcaha.

3) Suuq

Bulshada ku nool xaafadda daarusalaam iyo kuwa soo dagi doonaba waxaa loo diyaariyay suuq aad u weyn oo ay ka heli karaan dhamaan adeegyada kala duwan. waxaa loogu talagalay in dadka deegaanka looga haqabtiro baahida ay u qabaan helidda adeegyada aasaasigi oo ay ugu weyn tahay suuq casri ah.

4) Isbitaal


Xaafadda Daarusalaam waxey leedahay isbitaal ka kooban dhamaan qeybaha kala duwan ee bukaan socotada. waxaa loogu talagalay bulshada dagan Daarusalaam in ay ka helaan dhamaan adeegyada kala duwan ee caafimaad-ka. Isbitaalka wuxuu ku yaala dhabarka dambe ee masaajidk. waxana ku diyaar ah dhaqaatiir soomaali iyo ajaaniib isugu jiro iyagoo adeegsanayo qalab casri ah.

5) iskuul


Iskuulka daarusalaam waa iskuul aad weyn. Wuxuu ka kooban yahay qeyb wiilasha u gaar ah, qeyb gabdhaha u gaar ah, iyo qeyb lagu xanaaneyo caruurta. Sidoo kale iskuulka daarusalaam wuxuu leeyahay garoomo ay ku cayaaraan caruurta. Iskuulka waxaaka hoolgala macalimiin aqoon durugsan u leh maadooyinka ay dhigayaan. Manhajka iskuulka waa manhaj caalami ah oo looga maarmi karo in caruurta dibada waxbarasho loogu diro.

6) isgaarsiin

Adeegyada loo dhameystiray xaafadda Darusalaam waxaa ka mid adeegga isgaarsiinta oo daruuri u ah in ay bulashada qaraabada iyo asxaabta kuwada xiriiraan. Xaafadda daarusalaam waxaad ka heli kartaaa adeeg isgaarsiin nadiif ah iyo internet xawara sare leh.

7) Villooyin qurux badan

Xaafadda Daarusalaam waxaad ka heli kartaa noocyo kalla duwan oo villooyin ah Sida Villa Makka, Villa Dhayman, iyo Villa Bananan. Villadda waxey ka kooban tahay 3 qol oo jiif ah, fadhi iyo qado, 3 musqulood iyo jiko. wuxuu sidoo kale leeyay barando, baakin, iyo jardiin. Waxaa dheeraad ah qol iyo musqul loogu talagalay shaqaalaha guriga ka adeegaya. Villadda cabirkeedu waa 15*20 oo u dhiganta 300 Meter square. Sidoo kale waxa jira villo 4 ama 3 qol leh oo isugu jira jiif, fadhi & qado, musqul & jiko, bakin, barando, jardiin.

8) Dabaqyo qurxoon


Xaafadda Daarusalaam waxaad ka heli kartaa dabaqyo kala duwan . dabaqyada waxa ay ka kooban yihiin 2 biyaano.  Dabaqu wuxuu leeyahay 4 qol oo jiif ah, fadhi iyo qado, 4 musqulood iyo jiko. wuxuu sidoo kale leeyay 3 balakoon, baakin, barxad kore iyo jardiin. Waxaa dheeraad ah 2 qol iyo musqul (service)-ka ah  oo loogu talagalay shaqaalaha guriga ka adeegaya. Dabaqa cabirkiisu waa 15*20 oo u dhiganta 300 Meter square.

Waxaa sidoo kale jira dabaq kale oo cabirkiisu yahay 600 Meter square, kana kooban 6 qol oo jiif ah, 5 musqulood & jiko, fadhi iyo qado.  Waxaa dheeraad ah 2 qol iyo musqul oo (service) ah, jardiin weyn, garaash 2 gaari gali karta, afar balakoon iyo barxad kore


9) Dabdamis iyo waardiye

Xaafadda Daarusalaam waxaa heegan ku ah oo loo diyaariyay shaqaale dabdamis oo xirfad,& aqoonba u leh habka loo damiyo dabka marka shil dab ah ka dhacaan deegaanka. Sidoo kale xaafadda daarusalaam wuxuu leeyahay  ilaalo loo tababaray sugidda amniga deegaanka habeen iyo maali.

10) Beerta Dalxiiska iyo Nasashada

Xaafadda Daardusalaam waa xaafad ka baxsan saxmada magaalada. Waa xaafad carro san, hawo iyo biyo nadiif ahba leh. Waa meel ku fiican nasashada, una roon indhaha iyo caafimaad-ka shaqsiga iyo qoys-ka. Xaafadu waxey leedahay beerta nashada oo ay usoo dalxiis tagaan dhamman dadweynaha ku kala dhaqana muqdisho iyo nawaaxigeeda maalmaha jimcaha iyo munasbadaha ciida.


Comments

Popular posts from this blog

Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada