Maalinta Joojinta isticmaalka baraha bulshada (Social Media Strike Day)
Maanta waxaa loogu magac daray
maalinta banaanbaxa iyo joojinta isticmaalka baraha bulshada (#Social MediaStrike).
Qof kasto waxaa laga rabaa muddo 48 saac in uusan isticmaalin baraha bulshada.
Hadafku waa in shirkadaha leh baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo
Youtube lagu cadaadiyo loona muujiyo in adigu aad tahay cida xaqa u leh lahaanshaha xogtaada shaqsiyeed (You Own Your Personal
data). Hantida ugu wayn oo ay haystaan shirkadaha leh baraha bulshada waa
xogta dadka isticmaala. Ogow facbook iyo shirkadaha kaloo la midka ah waxa ay
ku noolyihiin oo ay ka ganacsadaan waa
xogtaada oo ay ka iibiyaan cidda ay doonaan. Xogta lagaa hayo waxaa ka mid ah
waxa aad jeceshahay, waxa aad necebtahay, aragtidaada siyaasadeed, waxa aad
aqriso, waxa aad daawato, iyo waxa aad damacsan tahay in aad sameyso
Horraantii sanadka 2019, guddiga
ganacsiga federalka ee Mareekanka ayaa $5 bilyan oo dollar ku ganaaxay shirkadda
Facebook iyadoo sababtuna tahay in
shirkadda Facebook ay 50 malyan oo qof xogtooda siisay shirkad British ah. Xogtaas
ayaana loo isticmaalay ololah doorshada mareekanka taas oo keentay in
madxawayne Donald Trump ku
guuleystay madaxtinimada Mareekanka.
Sidaas darteed, milkiilaha
Wikipedia ayaa ku baaqay in 4-ta bisha Julaay loo asteeyo maalinta banaanbaxa
barahaha bulshada (Social Media Strike) si loo muujiyo in adigu aad tahay
milkiilaha xogtaada shaqsiyeed.
Xogtaada waa hantidaada cidna ha u
ogolaan in ay iibsato. Haddii ay xogtaadu muhiim kuu tahay ka qaybqaado
banaanbaxa maalinta hakinta isticmaalka baraha bulshada.
Qore: Omar Jacfar Salah
Comments
Post a Comment