Posts

Maalinta Joojinta isticmaalka baraha bulshada (Social Media Strike Day)

Image
Maanta waxaa loogu magac daray maalinta banaanbaxa iyo joojinta isticmaalka baraha bulshada (#Social MediaStrike). Qof kasto waxaa laga rabaa muddo 48 saac in uusan isticmaalin baraha bulshada. Hadafku waa in shirkadaha leh baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Youtube lagu cadaadiyo loona muujiyo in adigu aad tahay cida xaqa u leh lahaanshaha xogtaada shaqsiyeed ( You Own Your Personal data) . Hantida ugu wayn oo ay haystaan shirkadaha leh baraha bulshada waa xogta dadka isticmaala. Ogow facbook iyo shirkadaha kaloo la midka ah waxa ay ku noolyihiin oo ay ka ganacsadaan   waa xogtaada oo ay ka iibiyaan cidda ay doonaan. Xogta lagaa hayo waxaa ka mid ah waxa aad jeceshahay, waxa aad necebtahay, aragtidaada siyaasadeed, waxa aad aqriso, waxa aad daawato, iyo waxa aad damacsan tahay in aad sameyso Horraantii sanadka 2019, guddiga ganacsiga federalka ee Mareekanka ayaa $5 bilyan oo dollar ku ganaaxay shirkadda Facebook iyadoo sababtuna   tahay in shirkadda Faceboo...

Habdhaqanka Kallumeysiga Shiinaha

Image
Shiinu wuxuu leeyahay in ka badan 3000 oo doomaha kalluumeysiga oo ukala goosha badaha caalamka, ha ugu badnaadeen Afirca iyo laatiin Ameerica. Galbeedka Africa Kaliya waxaa ka hawlgala in kabadan 400  doomood oo laga leeyahay dalka shiinaha, waana goobta ugu badan ee doomo  intaas la eg ay u jillaab tagaan. Sidoo kale wuxuu sanadwalba shiinaha galbeedka Africa ka soo saaraa kalluun lagu qiimeeyay lacagtiis $340 million. Boqolkiiba todobaatan (70%) maraakiibta shiinaha waxey ka kalluumeystaan dalalka Mauritania, Gunie iyo wadama kale oo galbeedka Africa ka mid ah. Tobaneeya sanno oo kalluumeysi xad-dhaaf ah ka socday badaha galbeedka Africa ( overfishing ) waxey sabatay in boqolkiiba konton (50%) si xad-dhaaf ah loola baxay qayraadka kalluunka galbeedka Africa. Badaha galbeedka Africa waxey ka mid yihiin badaha ugu hodansan dunida. Inta u dhaxeysay 2001-2013, hayada Greenpeace waxay diiwaangalisay 186 kiis oo sharci daro ah oo ay sameeyeen markiib...

10 Sababood Oo lagu doortay Xaafadda Cusub Ee Daarusalaam ee magaalada muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhisidda guryo iyo xaafado casri ah ka kooban dabaqyo iyo villooyin oo aad u qurux badan. Dhismooyinkaas waxey leeyihiin dhamaan adeegyada kala duwan sida goobaha waxbarashada, caafimaadka, wado laami ah, isgaarsiinta, biyaha, & jardiinooyinka lagu nasto iwm. Hadaba halkan kaga bogo 10 sabab oo aad  xaafada daaru-salaam ee magaalada Mudqisho 1) Laami  Xaafadda cusub ee daarusalaam wax dhanka waqooyi ka xigaa   garoonka kubadda cagta ee  muqdishu (Stadium Mogadishu) ee jidka warshadaha. Laamiga cusub ee xaafadda daarusalaam wuxuu dhereran yahay 7km 2) Masjid Xaafadda Daarusalaam waxaa loo dhisay  masjid jaamic ah oo 3 dabaq  ka kooban. Masjidku wuxuu leeyahay dhul aad u weyn oo lagu baakimo gawaarida.  Waxaa intaas u dheer qeyb loogu talagay dumarka. Masjidka Daarusalaam waa masjid waasic ah laguna tukan karo xilliyada musanaabadaha sida ciida iyo salaa...

Adeegsiga dacaayada (Propaganda): Sida dumarka loogu muujiyay in sigaar cabistu ay tahay astaan xornimo

Image
    Qeybtii Kowaaad      Hordhac        Edward Bernays waa odayga iyo  macalinka loogu abtiriyo dacaayadda aduunka ama waxa looyaqaano ( propaganda ). Wuxuu ka mid yahay 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa qarnigii 20-aad. Wuxuu qoray buugaag badan oo ay ka mid yihiin “ Propaganda, 1928 “ iyo “ Crystallizing public opinion, 1923 ”. Wuxuu ka dhashay qoys asalkoodu yahuud ah oo Mareynkanka u soo guuray 1892 wuxuuna ka qalin jabiyay jaamacadda Cornel university 1912 isagoo bartay culuunta beeraha, hasayeeshee shaqadiisa waxey isu badashay adeegsiga iyo ka shaqeynta iclaanka (journalism)  si uu shirkadaha iyo dowladaha dacaayado ugu sameeyo. -     Magaca “ Propaganda ” Waxaa casrigaan loo yaqaana “ Public Relation ” Maadaama erayga “ Propoganda ” lala xiriiriyo dagaallada, beenta, marinhabaabinta, Edward Bernays wuxuu ku badashay magaca “ Public Relation ” Waxaana markuu dhintay loogu magac daray “ Farthe...

3 wayaabood oo lagu dhaliilay shaqaaleysiinta qaraabada

Image
Markaad ganacsi furato ama aad shirkad aas-aasto, waxaad u baahan tahay garab iyo qof ku saacida. Halka ugu horeeya ee aad garab ka doonto waa qaraabada iyo saaxibaada. Inkasto oo ay wanaagsan tahay inaad shaqaaleysiiso dadka xigaal-kaaga ah hadana waxaa jira caqabado badan oo lagala kulmo shaqaaleysiinta qaraabada. 1. Ma xiriir shaqsi ama shaqo? Marka aad shaqaaleyso qof qaraabo ah, xiriirka idinka ka dhaxeeyo ma mid shaqo baa mise waa mid shaqsi (Qaraabonimo)? Inta badan waxaa dhacda markaad shaqaaleyso qof ahalka ah inuusan iskuba arag qof shaqaale taas oo dhibaato ku ah muqtaqbalka ganacsigaaga. Tusaale hadii ay dhacdo qalad la xiriira dhanka shaqada oo aad rabto inaad saxdo arinkaas,  waxaa suurtagal ah in loo qaato arin shaqsi (qaraabanimo iyo tolnimo isla markaana lagu xaliyo caadifad soke oo saameyn ku leh qaraabanimada. Taas caksigeeda waxey aheyd in mushkilada loo fahmo arin shaqo meeshana laga saaro caadifadda soke. Waxaa sidoo kale la mid ah hadii aad ...

5 Caqabadood oo heysta Ganacsiga soomaalia

Soomaliya waxaa joogo dad aad utira badan oo heysta lacago islamrkaana aanan garaneyn sida lacagahaasiloogu maalgashado mashruuc ganacsi. Iyadoo ay taa jirto ayaa haddana dhinaca kale waxaad arkaysaa tiro kale oo dad ah kana badan kuwii hore oo aanan hayn maal, balse aragtiyo ganacsi oo maan-gal ah ay maskaxdoodu ka dhex guuxayso.  Runtii, aad bay uqurux badnaan laheeed, una muujin laheed qaangaarnimada ganacsigga Soomaalida haday dhici kari laheed  midnimada iyo is waafaqqa labadaani kooxood, nasiibdarradase waxay tahay in ay is qaban kari waayeen sababo badan awgood. Dadka heesta lacagaha ee hantileyda a...